Caawimaad laga heli karo meel xafiis ah

xafiisyo-khaas ah iyo xafiis –kuu imaan kara

 

xafiis-caawimaada oo dumarka ah, dagaalka guriga la kulmay.

xafiisyada-caawimaada waxaa ka helaysaa halkan.

 

Goormay ku caawinkaraan xafiisyada-caawimaada?

  • Hadaa doonayso inaa ka hadasho.
    Waxaa kugu dhacay.
  • Hadaa weerar la kulantid.
    oo aadan ogayn, waxaa qaban lahayd.
  • Haday policka yimaadaan xaafada oo dagaal ka jiro.
    waxaa laga yaabaa inaa dacwad ku furtid.
  • Policka waxaa laga yaabaa inay dambiilaha eryadaan.
  • Waxaa laga yaabaa inaa xaaskaaga kala tagtaan.
    sababtoo ah uu kuu hanjabay ama uu ku dilay.
    laakiin amaan kuma siinayo.
    walina ku dhibayo.
  • Hadaa u baahantahay macluumaad ama caawimaad.
    oo wakhti dheer.
  • Waxaa laga yaaba inaa garaneyso dumar kale, oo iyadana dagaal ku nool.
    oo aa doonayso inaa caawiso haweyneydaa kale.
  • xafiisyada-caawimada waxay caawinayaan xataa dumarka wadamo kale ka yimid:
    waxaa laga yaabaa inuu dagaal xaafada ku dhacay.
    ama meel kaam ah.
    wey baqayaan, inay xaaskooda kala tagaan.
    waxay ka baqayaan:
    inaysan wadanka jarmalka kusii noolaan karin.

Dhibkan oo dhan waxaa ka caawinaya shaqaalada xafiiyada-caawimaada.

 

Sidee ula xidhiidhi kartaaxafiisyada-caawimaada?

  • Waa wicikartaa xafiiyada-caawimaada.
    ama waraaq baa u diri kartaa. 
  • Ama waxaa u qorikartaa E-Mail.
  • Sidoo kale waxaa u diri kartaa Fax.

Maaha inaa magacaaga sheegto.
hadadan doonayn inaad sheegto.

 

Sidee loo sii wadayaa?

Waxaa lagu siinayaa balan wada hadal oo ah xafiiyada-caawimaada.

Hadaa doonayso, waxaa kaxaysan kartaa qof kula socda.

 

qof, aad ku kalsoontahay.

Hadaa doonayso.

 

Qof shaqaaladaha ka mida kula hadleysa:
waxay ku weydiinaysaa su’aalaha iyo dhibkaaga.

 

Haday luuqada afjarmal kugu yartahay, waxaa kula jooga turjumaanad.

Way kuu turjumaysaa:

Waxaa sheegayso.

Iyo waxa qofka kale kugu oranayo.


shaqaalada waxay kaa caawinaysaa dhinaca maxkamada iyo xafiisyada.

Hadaa u baahatid caawimaad.

 

xafiisyada-caawimda waxaa ka helaysaa macluumaad-xeer ah.
tusaale ahaan su‘aalahan:

  • Xaq maxaa u leedahay?
  • Caruurta yaa xaq- ku -leh?
  • Wadanka sharciga_xaqa ah ee lagu joogo?
    hadaa ka timid wadan kale.
  • Sidee baa dacwad dambiilaha ugu furaysaa?
  • Ma u baahantahay Looyarad-xeerka?
    garanaysa.
  • Hawlaha sidee loo wadayaa maxkamada?

 

xafiiska-caawimaada waxaa ka jira caawimaad caruurta loogu talagaly.

Halkaasna caruurtaada waa lagu ilaalinayaa.

Meel dagana waa kuwada hadlikarnaa.

 

Hadaa ilaalin u baahantahay, waxaa ku caawinaya shaqaalada. Waxaa laga helaa aqalka-dumarka.

Ama kaam kale.