Imisa nooc oo dagaalka guriga ah baa jira?

Imisa nooc oo dagaalka guriga ah baa jira?

 

Dad badan waxay u fakaraan in dagaalku, yahay dhaawac jidhka soo gaadha.

Laakiin waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo dagaalka guriga.

Nooc kasta oo dagaal ah dhawaac wuu gaarsiin karaa jidhka.

Ama maskaxda wax yeelikara.

 

Dagaal gacanqaad ah:

  • Hadii uu qof ku dilo.
  • Hadii qof ku kala tuuro ama ku laado.   
  • Hadii qof cunaha ku qabto.

    Oo aad neefsan kariweydo.

Dagaal maskixiyan ah:

  • Hadii qof ku aflagaadeeyo.
  • Hadii qof kale, ku diido xifhiidhka iyo kulanka dadka.
  • Hadii qof kale,kuu diido labiska xidhanayso.
  • Hadii qof ku cabsi galiyo.
  • Ama kuu hanjabo:
    
ama caruurta la tago.

    Ama wax kuu gaysto.

    Ama kaa eryado guriga. Ama wadankaba.

Dagaalka galmada ah:

  • Hadii qof ku taabto adiga oo diidan.
  • Hadii aad qof kale u taabatid adiga oo diidan.
  • Hadii qof kuugu khasbo, inaad daawato filimada galmada ah.
  • Kufsi:

    hadii laguuga khasbo Sex.

    Adiga oo diidan „Maya“ yiri.

cidlada:

  • Hadii qof meel kugu xidho.
  • Hadii laguu diido inaad kaligaa baxdid.
  • Hadii laguu diido inaad telefoon ku hadasho.
  • Hadii laguu diido inaad dad kale la hadasho.

Taasina waa dagaal:

  • Hadaa shaqada laguu diido.
  • Hadii qof lacagtaada kaa qaado.
  • Hadaa laguu diido Iskuulka-luuqada.
  • Hadaa gabadh jeclaato,
    oo reerkaagu kuu diidaan.
  • Hadii laguugu khasbo guur aan dookhaaga ahayn.

 

Dagaalk kasta ma fiicnaa.

Jidhkaagaa ku xanuunsan kara.

Ama maskaxda wax ku yeeli karaa.

  • Hurdo la'aan baa kuugu dhici karta.
  • Waxaad isku arkeysaa madax xanuun.
    Iyo wadno xanuun.

    iyo calool xanuun.
  • Badanka waad murugoon doontaa.
  • Waad diideysaa inaad noolaato.
  • Naftaada dhaawac u geysaneysaa.

Waa inaad caawimaad raadisaa.

Taasi waa muhiim.

Dagaalka sidaas kuma dhamaanayo.

Badanaa wuu sii xumaanayaa dagaalku.

Laakiin adiga wax ka qaban kara!

Dadka kale uga waran.

Tusaale ahaan:

  • Qof kala hadal, aad kalsooni ku qabtid.
    
Ama la hadal saxiipadaa.

    Ama qof kula shaqeeya.

    La hadal qof ka mida shaqaalaha kaamka.
  • U tag policka.
  • Ama xafiis ku caawinkara.