aqalka-dumarka

Maxay tahay aqalka-dumarka?

haduu xaaskaagu kuu hanjabo ama ku dilo,
Waxaa tagikartaa aqalka-dumarka.

Halkaa waxaa ku nool dumar oo kaliya.

waxaa ku tahay amaan.

aqalka-dumarka caruurtaada waxay ku yihiin amaan.

Cinwaankana waa sir.

Sidaa darteed maaha inaa ciwaanka dad kale u sheegto.

Halkaasna martida waa ka mamnuuc ma imaan karaan.

aqalka-dumarka waxaa ka shaqeeya dumar oo kaliya.  

 

Wakhti kasta waa imaan kartaa aqalka-dumarka.

Xitaa habeenka.

Ka horna soo wac.

 

Caruurtaada waa u kaxeysan kartaa aqalka-dumarka.

Waxaan suurogal ahayn:

Hadaa wiil dhashay, da’diisa ka weyntahay 12 sano.

Hadana waxaa weydiisaa:

aqalka-dumarka kee ayaan geynkaraa?

 

hadaa wadan kale ka timid,

Waxaana imaankartaa aqalka-dumarka.

 

Waxaa jooga turjumaanad.

Dumarka ah, hadaadan si fiican u garaneyn afjarmalka.

Dumarka dhagoolka ah waxaa u joogaa turjubaanka gacanta ah.

 

aqalka-dumarka ee Berlin kidho kama bixinaysid.

waxaa ku noolaan kartaa aqalka-dumarka,

Wakhtiga u baahantahy.

 

aqalka-dumarka waa inaad adiga is maamusho:

  • Cuntada adigaa karsanaya.
  • Adiaa waxaaga dhaqanaya.
  • Waa inaad adiga ilaalisaa caruurtaada.
  • aqalka-dumarka laguma isticmaalikaro khamri iyo drugs.

 

Marmarka qaar dad waxaa laga yaabaa inay beeniyaan.

Wey diidayaan inay dumarka tagaan aqalka-dumarka.

Sidaa darteed bay been badan uga sheegayaan.

 

Sidee ula xidhiidhi kartaa aqalka-dumarka?

Waxaa wacaysaa aqalka-dumarka.

Sidaa darteed waa lagaa caawinkaraa.

Shaqaaladaha waxay telefoon ahaan kugu sheegayaan meel lagu -kulmo.

Halkaana waa tagaysaa.

Meesha-lagu kulmayo ayaa shaqaalad kaa soo doonaysaa.

Ama naag kale oo dagan aqalka-dumarka.

Dabadeedna waxaa isku raaceysiin aqalka-dumarka.

 

Numbarada aqalada-dumarka waxaa kala helaysaa halkan.

 

Sidee wax loo sii wadayaa?

aqalka-dumarka Dhexdiisa waa amaan.

Waxaa ka helaysaa qol kaligaa ah.

Waa ku nafisi kartaa.

 

Waxaa ka fikirikartaa, sidee baan wax usii wadayaa:

  • Waxaa rabtaa inaa kaligaa guri kaligaa u guurtid?
  • Ma doonaysaa inaa qaraabadaada ama asxaabtaada u guurtid?
  • Ma doonaysaa inaad xaaskaaga kala tagtaan?

 

shaqaaladaha aqalka-dumarka waxay kaa cawinayaan su’aala kasta aad qabto:

  • Sidee noloshayda usii wadikaraa?
  • Sidee baan amaan u helayaa?
  • Sidee caruurtayda amaan u helayaan?
  • Maxaa xaqeyga ah?
  • Halkeen lacag ka helayaa?
  • Sidee guri u helayaa?
  • Xagee kale oon caawimaad ka helayaa?

 

Shaqaaladahana wey ku raacikaraan.

Tusaale ahaan maxkamada.

ama xafiiska-caawimaada.

 

1 mar isbuuca waxaa imaaneysa Looyarad-xeerka aqalka-dumarka.

Looyarada macluumaad wey ku siin kartaa.

Waana bilaash.

 

hadaa balan leedahay,

Caruutaada waa laguu ilaalin karaa.

 

Warqadahan waa inaad geysaa aqalka-dumarka:

  • IDkaadh-Ausweis
  • Caruurta IDkaadh-Ausweise
  • cadeynta-dhalshada caruurtaada
  • Lacagta kusoo dhacysa-cadeynteeda:
    halkaa waxaa ku qoran: lacag sidaasaa kusoo dhacday.
  • dumarka, aan ka imaan Germany:
    Paasapoor.
    ama warqad, kuqoran:
    intaas bay joogikartaa Germany.
  • kaadhka-caafimaadka
  • kaadhka-naafada-Ausweis
  • Cadeynta warqadaha Bankiga
  • Cinwaanka dhakhtarada muhiimka ah

 

Taasna waxaa kuu fiican inaa keento:

  • dawo
  • dharka
  • alaabta-iskuulka ee caruurta         
  • Alaabta caruurta ku ciyaaraan