guri-amaan ah

Maxay tahay guri-amaan ah?

 

Gurigaas waxaa la dagikartaa caruurtaada iyo adiga kaliya.

Ama waxaa la dagaysaa dumarkale iyo caruur kale

guri-la isla wadaagayo.

Waxaa ka helaysaa halkaas guri kaligaa ah.

Cinwaankana waa sir.

 

Gurigaa waa inaa kidho ka bixiso.

Hadaadan lacag haysan:

Waxaa weydiisataa caawimaad.

 

shaqaaladal-sozialka way ka caawinkartaa codsiga.

Ama hadaa qabto su’aalo ama dhibaato.

shaqaalada-sozialka wey ku raaci kartaa.

Tusaale ahaan maxkamada.

ama xafiisyada-caawimaada.

 

guri-amaanka qaar baa leh meel caruurta lagu mashquuliyo.

Guriga-amaanka waxaa kula degnaankara wiilashaada.

Xitaa haday da’dooda ka weyntahay14 sano.

 

Goormaa usoo guuri kartaa guriga-amaanka ah?

  • Hadaadan gurigaaga joogi karin.
  • Hadaadan usoo guuri karin aqalka-dumarka.


Sidee ku helaysaa guriga-amaanka ah?

  • Waxaa wici kartaa guriga-amaanka ah xafiiskooda.
  • Ama waxaa u diri kartaa waraaq.
  • Ama waxaa noo soo qorikartaa E-Mail.
  • Ama waxaa noo soo dirikartaa Fax.

 

Sidee wax loo sii wadayaa?

Waxaa helaysaa balan halka xafiiska ah.

Halkaa waxaa ka helaysaa Imacluumaad ku saabsan guriga-amaanka ah.

Waxaa la hadlikartaa shaqaaladahaga.

Waxaa ka warami kartaa, waxa kuugu dhacay.

Waxaa weydiin kartaa su‘aalo.

 

Waxaa laga yaabaa inay ku tusaan sawiro ah
aqalka-amaanka ah.

Kadib waa ka fikirikartaa.

Intaa soo guuraysid.

Hadaa soo guuridoontid,
waxaa kaa caawinaya shaqaaladaha haday jiraan su’aalo ama dhibaato.

 

Numbarka telefoonka aqalka-amaanka ah waxaa ka helaysaa halkan.